Sababta Uusan Xamza Uga Hadli Karin Doorasho Iyo Arrimaha Wiiqaya Damaca Xasan

Muqdisho (Xogta somaliweyn) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre wuxuu sheegay in wax walba oo dhaca aanay Soomaalida dib iskugu dooran doonin teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, wallow aanay xukuumaddiisu illaa maanta wax shaqo ah ka qabanin inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Soomaaliya oo maanta laheyn guddi doorasho, sharci doorasho, xisbiyo sharciyeysan, argagixisana weli ka adkaanin, dadkeedu aanay tirakoobneyn, baarlamaankeeda iyo wasiiradeeda qabiil lagu qeybsado, musuqiina uu xarkaha goostay ayay dhinaca kale madaxdeedu ka sheekaynaya doorasho dadweyne oo hufan, tii oo dhanka kale dalka uu yahay dal ay ciidankiisa iyo shaqaalihiisa ajnabi biilan, hanaankiisa siyaasadana aan heshiis laga aheyn.

Xamza Cabdi Barre hadda waa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, laakiin dib aan kugu celiyo shan sano kahor.

2019-kii Xamza waxa uu ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada ee maamulka Jubbaland, wuxuu qabtay doorashadii ugu fadeexadda iyo fool-xumada badneyd taariikhda dowladeed ee Soomaaliya. Waxay ka dhacday magaalada Kismaayo.

Doorashadan waxaa loo yaqaana saddex qof u keenso kursigaaga xildhibaannimada, kadibna Axmed Madoobe ayaa midkii uu doono ka xulan doona, kaas ayaa qabiilka u noqonaya xildhibaan.

Guddigii doorashadaas curiyay, jiheeyay ee fuliyay waxaa madax u ahaa Xamza Cabdi Barre oo maanta ra’iisul wasaare ka ah Soomaaliya. Micnaha doorashadaas uu Axmed Madoobe kusoo laabtay ee Xamza maamulay ma jirin qabiil xildhibaankooda qortay.

Kursi walba saddexdii qof ee loo soo xulay ee Xamza lagu wareejiyay isna Axmed Madoobe ayuu ku wareejiyay, kaas oo isaguna midkii uu rabo kala baxay kursi walba.

Ra’iisul Wasaare Xamza wuu difaacay doorashadaas, isagoo xisaabta isku dhariga ku difaacaya Axmed Madoobe, wuxuuna iska indho-tiray qaladaadkii iyo fool-xumadii ku jiray doorashadaas.

Add Comment